Tumgik
abdi-fatah · 1 year
Photo
Tumblr media
Job Hunting Skills https://www.instagram.com/p/CmHpjHVoZL7/?igshid=NGJjMDIxMWI=
0 notes
abdi-fatah · 2 years
Photo
Tumblr media
Wax walba ha rumaysan intaad xaqiiqada gaadhaysid. Congratulations To Saudi Arabia. https://www.instagram.com/p/ClQ1Oy1oSN5/?igshid=NGJjMDIxMWI=
0 notes
abdi-fatah · 2 years
Photo
Tumblr media
Wax walba ha rumaysan intaad xaqiiqada gaadhaysid. Congratulations To Saudi Arabia. https://www.instagram.com/p/ClQ1Oy1oSN5/?igshid=NGJjMDIxMWI=
0 notes
abdi-fatah · 3 years
Photo
Tumblr media
Nadaafada guud Si gaara iyo si guud labadaba diinteena suuban waxay ina faraysaa ama inagu waajibinaysaa in nadaafada laga shaqeeyo, wasakhdana la iska fogeeyo nooca ay doonto ha ahaatee ( wasakhda muuqata ee jidhka, dharka, dhulka iyo goobaha muhiimka ah, iyo wasakhda qalbiga sida xasadka, munaafaqada, iyo xumaanta). Nebigeena Suuradihii/ Aayadihii u horeeyay ee lagu soo dejiyay waxaa ka mid ahaa (وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ) [المدثر: 4], culimada islaamku waxay ku micneeyaan laba mid (1) in dharka la iska nadiifiyo (2) in qalbiga la nadiifiyo oo cibaadada rabbi loo gaar yeelo. Markale waxaa rabbi inoo cadeeyay cidda uu jecel yahay inay tahay cidda isaga u toobad keenta isla jeerkaada is nadiifisa, (إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ التَّوَّابِينَ وَيُحِبُّ الْمُتَطَهِّرِينَ)[البقرة: 222 maadaama si jamac ah rabbi inoola hadlay waxaa baytul qasiidku u dhacayaa nadaafada guudna ka shaqeeya idinka oo u dhan. Sideedaba islaamku waa nadiif markaad tahay qof muslima waxaa asal kuu ah inaad nadiif ahaato si aad hadafkaaga muslinimo u gaadho bal dardaarankan rasuulka eeg "إن الإسلام نظيف فتنظفوا؛ فإنه لا يدخل الجنة إلا نظيف". Inta aad nadaafada rumaysantahay waxay ka dhigantahay inta iimaankaagu joogo, waayo nadaafadu waa qayb ka mida iimaanka ama rumaynta, qof muslima oo aan kor iyo kalba nadiif ahayn alla waxba kama aqbalo. Dariiqyada, goobaha garoomada, iyo goobaha dadweynaha oo dhibaatada, wasakhda laga leexiyaa ayaa ah rumaynta iimaanka qayb ka mida, muxuu ina yidhi rasuulkeeni "الإيمان بضع وسبعون أو بضع وستون شعبة، فأفضلها قول لا إله إلا اللَّه، وأدناها إماطة الأذى عن الطريق، والحياء شعبة من الإيمان"[مُتَّفَقٌ عَلَيهِ]. Hay'adda WHO warbixin ay ka samaysay dadweynaha aduunka sida ay u helaan waxyaabaha nadaafada la xidhiidha iyo cudarada ka dasha nadaafad xumada waxay sheegtay 🌎 673 milyan ayaa wali ku saxarooda meelaha bannaan, tusaale ahaan godadka waddooyinka, duurka iyo goobaha biyaha furan. 🌍 Ugu yaraan 10% dadka adduunka ayaa loo maleynayaa inay cunaan cuntada lagu waraabiyo biyaha wasakhda ah. 🌍 Nadaafad darrada ayaa keenta gudbinta cudurrada sida daacuunka, shubanka, cudurka dabadheerta, Beer xanuunka A, tiifowga iyo cudurka dabaysha oo ka sii daraya. 🌎 Fa https://www.instagram.com/p/CRYxZ7Dn1ZP/?utm_medium=tumblr
0 notes
abdi-fatah · 3 years
Photo
Tumblr media
SAAKA iyo SOMALILAND. 31 may 2021, waa maalin taariikhi ah bulsho maamulkeeda iyo dawladnimadeeda horumarinaysa ayaynu umadaha geeska afrika kaga suntannahay 2709 Goobo codbixineed ayaa furmay 1, 065, 847 cod bixiyayaal ayaa safaf gelaya 552 Musharrax gole deegaan ayaa tartamaya 246 Muaharrax gole baarlamaan ayaa tartmaya 23 degmo doorasho ayaa saaka laga codaynayaa Somaliland shamac ka dhex iftiimaya wadamada geeska afrika ee aan doorasho xor iyo xalaala ka dhicin ayay saaka noqotay, waxaan rajaynayaa inay nabad iyo nidaam inoogu soo dhammaato ayaan rajaynayaa insha allah. Somaliland Guul iyo Gobonimo https://www.instagram.com/p/CPhlqWjnFEe/?utm_medium=tumblr
0 notes
abdi-fatah · 3 years
Photo
Tumblr media
Hambalyo sanad guurada 30aad ee 18 may Calankan muuqa dheer ee tawxiidku ku xardhanyahay iyo shacabkiisa, dawladiisa ayaa maanta u dabbaal degaya sanad guuradii 30aad ee ka soo wareegtay maalintii dib ula soo noqoshada madax banaanida JSL ee 1991 bishii may 18keedii. Mudada kusii dhawaanaysa nus qarniga waxay somaliland, somalida kale kaga duwanayn dawladnimo, nidaam, isu tanaasul, iyo kala dambayn, horumarka waddanka ayaa koraya, dhaqaalaha ayaa kobcaya, bulshada ayaa tarmaysa, sidaas daraadeed waa nimco rabbi inagu galladay, kuna xamdiyayno. Dhallinyarada 30 sano ku koray nabad, barwaaqo iyo dhib la'aan way ka horeeyaan dhiggooda geeska ee duruufaha la daalaa dhacaya. Rabbi NABADA & NIMCADA ha inoo siyaadiyo. Amiin Somaliland shacabkeeda xariirta ah ayaan hanbalyo u dirayaa waxaan leeyahay Guul iyo Gobonimo waarta. https://www.instagram.com/p/CPAEv_xn_EJ/?utm_medium=tumblr
0 notes
abdi-fatah · 3 years
Photo
Tumblr media
Ciid wanaagsan Dhammaanteen rabbi waxaynu waydiisanaynaa inuu cibaadadii iyo soonkii inaga aqbalo, wanaaga iyo samahana inagu sugo, inteenii dhimatayna u naxariisto, inteena noolna iimaanka inagu nooleeyo, inteena xanuunsanna uu shaafiyo. Ramadaan way dhammatay laakiin ma soomaa ba'ay, markale albaabada khayru way inoo furan yihiin ee ilaahay kuwa ka jeesta inagama yeelo. Caawa iyo beriba waxaa faraxsan muslinkii soo soomay oo ciida farxaya, afuraya oo damaashaadaya, si guud iyo si gaaraba hambalyo qoyskayga, qaraabada iyo shacab weynaha qaranka JSL. Ciid wanaagsan. Hambalyo Guul iyo gobonimo. https://www.instagram.com/p/COzeEf1nccy/?igshid=xzanlxcgj99
0 notes
abdi-fatah · 3 years
Photo
Tumblr media
Ramadaan kariim. Curashada bisha ramadaan awgeed waxaan halkan hanbalyaynayaa inteena fursad u heshay ee nolol kusoo gaadhay, waxaan ilaahay inoo waydiinayaa inuu dambigeena hore iyo dambaba inaga dhaafo, rabadaanta dambana cimri, cibaado iyo camal suuban inagu gaadhsiiyo. Bishan waa bisha sadaqada, wanaaga, cafiska iyo khayr oo dhan sidaa awgeed waxaan boorinayaa in wanaaga la badiyo la is cafiyo, khayrkana laga shaqeeyo, waxaan cafiyay qof kasta oo in uun waxna dhex mareen, anna waxaan codsanayaa inaad i cafidaan. Saamax-naakum. Soon qaad wacan. https://www.instagram.com/p/CNlBwIeHbmI/?igshid=1e87mgkphrn0w
0 notes
abdi-fatah · 3 years
Photo
Tumblr media
HAMBALYO: Waxaan hanbalyo iyo duco u dirayaa walaalkay Eng Abdirizak Awil Da'ud iyo Dumaashiday Dr. Asma Abdirahman Mohamoud oo maanta meherkoodu ka qabsoomay magaalo madaxda burco ee Togdheer. Ilaahay waxaan u waydiinayaa inuu isu barakeeyo, ubad khayr qabana kala siiyo. Waxaan kale oo ku faraxsanahay yagleelka qoyskan cusub ee nagu soo biiray gaar ahaan dumaashiday Dr Asma, soo dhawooow. Markale waxaan idin leeyahay alla ha idinka yeelo reerkii dhisma ee dhaqma amiin. https://www.instagram.com/p/CM4TJ7dneFu/?igshid=1tuvavkyvr7x4
0 notes
abdi-fatah · 3 years
Photo
Tumblr media
HANBALYO: Abtigay/saaxiibkay Cabdikarim ismaaciil mire iyo xaaskiisa Xafsa ayaan hanbalyo u dirayaa oo aanu maanta ka qayb galnay yagleelka aqalkooda, ilaahay waxaan u waydiinayaa inuu ka yeelo reerkii dhisma ee dhaqma. Runtii farxad weyn bay noo ahayd, waxaanan ugu ducaynayaa ducadii suubanaheena SCW " Rabbi ha isu kiin barakeeyo, wanaag iyo khayrka ha idinku kulmiyo" Hanbalyo. https://www.instagram.com/p/CJysiNbny3p/?igshid=7mp1dk67pnhq
0 notes
abdi-fatah · 3 years
Photo
Tumblr media
HANBALYO: Waxaan si milgo iyo maamuus leh u hanbalyaynayaa/ducaynayaa meherka saaxiibkay Abwaan Cabdinuur Cawil Xasshi iyo Marwo Xamda Cabdiqadir M.Cabdilahi oo meherkoodu ka dhacay magaalada hargiesa. waxaan leeyahay Alle haydin barakeeyo dhisma oo dhaqma. https://www.instagram.com/p/CJEK5wMHpZW/?igshid=19w73gso50zrm
0 notes
abdi-fatah · 3 years
Photo
Tumblr media
HANBALYO: Waxaan hanbalyo, duco, farxad la wadaagayaa walaalkay Khadar Abdirizak & dumaashiday Nashaad Xuseen oo maanta meherkoodu ka qabsoomay magaalo madaxda Togdheer ee burco. Waxaan leeyahay dhisma, dhaqma oo dhala waxaanan idiinku ducaynayaa ducadii Rasuulka CSW " ILAAHAY HAKUU BARAKEEYO, WANAAG IYO KHAYRKA HA IDINKU KULMIYO" Amiin. Guul & Gobonimo. https://www.instagram.com/p/CIad70BHYvM/?igshid=1cfsfdcs4ovzs
0 notes
abdi-fatah · 4 years
Photo
Tumblr media
Learn and lead https://www.instagram.com/p/CGuNARtH6RC/?igshid=j6sd4ewnyw2l
0 notes
abdi-fatah · 4 years
Photo
Tumblr media
HANBALYO: Maanta waxaa jaamacadda burco ka qalin bedeshay 499 arday oo ka koobnaa heerka koowaad iyo labaad ee waxbarashada sare, dhammaantood waan hanbalyaynayaa waanan u ducaynayaa si gaara waxaan ugu hanbalyaynayaa walaaladay 1. Ismail mohamed faarah 2. Jaabir Bashir Hassan 3. Mohamed Bashir Hassan Waxaan kale oo raacinayaa saaxiibadayda kale ee maanta qalin bedeshay dhammaantood. Waxaan idin leeyahay hanbalyo ilaahay ha idiin barakeeyo cilmigaad barateen. Hanbalyo Burco, Somaliland. https://www.instagram.com/p/CGiDco5npIL/?igshid=1d5hp6n5bl9fc
0 notes
abdi-fatah · 4 years
Photo
Tumblr media
Dr.Abokor Weli Bigille ayaa caawa mawduucan jeedinaya, abokor waa dhakhaatiirka dalka dibadiisa muddo dheer waxbarasho ugu maqnaa, wuxuu khudbad mawduucan hoose ku saabsan ka jeedinayaa xarunta 4aad ee jaamacadda Alpha burco. Mawduucan muhimadiisa ayuu leeyahay, ciddii jaanis haysaa caawa yaanu ina gafin. https://www.instagram.com/p/CEEGWcrn-12/?igshid=js1t3xzh6o42
0 notes
abdi-fatah · 4 years
Photo
Tumblr media
HANBALYO MEHER: Waxa aan halkan hanbalyo iyo duco uga dirayaa saaxiibkay Maxamed Cilmi Suudi iyo dumaashideen Najax Yuusuf Maxamed oo maanta meherkoodu ka dhacay Masjidul Saalixiya, ee Magaalada burco, Waa maalin aad u khayr badan ilahay.waxynu uga baryaynaa ubad khayr qaba iyo badhaadhe, dhisma oo dhaqma. Alle ha idinka yeelo qoyskii barakooba Aamiin https://www.instagram.com/p/CDZTW9QHF9f/?igshid=1iyjvbggkibn5
0 notes
abdi-fatah · 4 years
Photo
Tumblr media
CIID WANAAGSAN Dhammaan muslimiinta, somalida, asxaabta, qaraabada iyo qaranka JSL waxaan idin leeyahay ciid wanaagsan, caafimaad ku ciida,farxad iyo cibaado. Waxaan idiin fajaynayaa in rabbi cibaadada idinka aqbalo, inaad isa saamaxdaan. Saamax-naakum ciid wanaagsan. (at Burco) https://www.instagram.com/p/CDTACuuHAMh/?igshid=e4z4wpim4d9m
0 notes